Amar cusub oo lagu soo rogay goobaha Waxbarashada ee Magaalada Belad-weyne

Maamulka cusub ee gobolka Hiiraan ayaa amar ku soo rogay goobaha waxbarashada ee ku yaalla magaalada Belad-weyne.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa lagu amray Iskuulada ku yaalla Magaalada Beledweyne iney suraan calanka Somalia iyo kan Maamulka Hirshabelle.

Dabageed ayaa ugu hanjabay iskuulkii fulin waayo in talaabo adag laga qaadayo inkastoo uusan sheegin nooca ay tahay talaabadaas.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo 23-kii bishii hore markii afraad loo magacaabay xilkan ayaa waxaa maalmahan ka soo baxay awaamiir kala duwan.

Dabageed ayaa shalay xabsiga dhigay saraakiishii ciidanka NISA ee gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah howlwadeenada Wasaarada Maaliyada Hirshabelle, isagoo eeedeymo kala duwan u jeediyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -